
Deegaanka Arabow ee hoos yimaada degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ka dhacay duqeymo xoogan oo diyaaradaha Maraykanka ay ku garaaceen gawaari rakaab ah oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Kenya.
Gawaarida la beegsaday oo ahaa kuwa Hoomeyda loo yaqaano ayaa tiradoodu waxay gaareysay illaa saddex gaari, waxaana saarnaa rakaab aad u tira badan oo isuga jira caruur, dumar iyo rag.
Duqeynta ayaa ku billaabatay gawaaridan mar ay ka baxeen deegaanka Arabow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay dadku ka afureen habeenkii xalay, waxayna diyaaradaha Maraykanka ku rideen gawaaridan illaa toban gantaal.
Qaar kamid ah dadka Arabow ku nool oo waagu markuu baryay gaaray halka ay duqeyntu ka dhacday ayaa sheegay in sagaal kamid ah gantaallada ay qarxeen, midkoodna uu ku dhex dhacay guri ay dad qoys ah ku noolaayeen, haseyeeshee uu Allaah badbaadiyay.
Inkastoo duqeymaha ay ahaayeen kuwa xoogan oo aan loo meel dayin hadana majirto wax khasaare ah oo ka dhashey duqeymahaas iyo burbur soo gaaray gawaarida toona.
Maraykanka wuxuu sii laba laabay duqeymaha aan loo meel dayin ee uu la beegsanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya, waxaana mar kasta oo uu dad shacab ah gumaado ku andacoodaa inuu beegsaday dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Hay’adaha sheegtay iney u doodaan xuququda Insaanka, wariyaal madax banaan oo reer galbeed ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka marqaati kacay in Maraykanka uu gumaad wuxuushnimo ka wado Soomaaliya.