HomeAll newsMuslimiinta Faransiiska Oo La'san Qubuuro ay ku aastaan Meydadkooda.

Muslimiinta Faransiiska Oo La’san Qubuuro ay ku aastaan Meydadkooda.

Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska ayaa ka cabanaya inaaney heysan goobo ay ku duugtaan dadka dhinta, xilli dadka u dhimanaya cudurka Corona virus ee dalka Faransiiska ay aad usii kordheen maalmihii lasoo dhaafay.

Cabdi Samad Aqraash oo madaxa jamciyad lagu magacaabo Dhahaara oo qaabilsan meydadka muslimiinta ayaa sheegaya in hadda uu jiro ciriiri ku aadan halka lagu aasayo meydadka muslimiinta, islamarkaana aan la awoodin in loo qaado dalka dibadiisa, maadaama safarada diyaaradaha ay xiranyihiin.

Waxay sheegayaan muslimiinta Faransiiska in 80% dadka dhimanaya waqtiyada caadiga ah lagu aasi jiray wadamada ay asal ahaan kasoo jeedaan, hadana keliya muslimiinta loo ogolyahay lix boqol oo qabri oo kamid ah 35 kun qabri oo ku diyaarsan dalka Faransiiska.

Waxaa muuqaneysa in dowladda Faransiiska ay mudnaanta koowaad siineyso meydadka dadka aan muslimiinta ahayn, iyadoona weliba qubuurta yar ee hadda loo ogolyahay Muslimiinta loo diiday iney u qodaan jihada qiblada.

Muslimiinta Faransiiska ayaa codsanaya in dhibaatadan hadda lasoo gudboonaatay si deg deg ah loo xalliyo, hay’aadka iyo dadka matala Muslimiinta ayaana u muuqda kuwa aan awood u lahayn in dowladda Faransiiska ay kala hadlaan mushkiladan soo korortay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular