Waxaa wilaayada islaamiga ee Galgaduud lagu soo gebegebeeyay tartanka Quraan akhriska ee dadka waaweynka iyo caruurta xifdisan kitaabka Allaah SWT, iyadoona gebegebadii la abaal mariyay dadka galay kaalmaha hore.
Tartanka dadka waaweyn ee wilaayada islaamiga ee Galgaduud, waxaa kaalinta koowaad galay Calli Macllim Xasan Nuur oo u tartamayay degmada Galhareeri ee wilaayada islaamiga Galgaduud, waxaana la siiyay lacag dhan 800 dollar.
Kaalinta labaad ee dadka waaweyn waxaa galay Cabdullaahi Macallim Muxamad, oo ka socday degmada Ceelbuur ee xarunta wilaayada islaamiga ee Galgaduud, waxaana lagu abaal mariyay 600 dollar.
Kaalinta saddexaad ee dadka waaweyn waxaa galay Cabdiraxmaan Macallim Axmed, kaas oo lagu abaal mariyay lacag dhan 400 dollar.
Tartanka kale ee u dhexeeyay caruurta xufaada ah, waxaa kaalinta koowaad galay Max’ed Axmed Mallin oo ka socday degmada Ceelbuur, kaas oo lagu abaal mariyay lacag dhan 500 dollar.
Kaalinta labaad ee caruurta waxaa galay wiil lagu magacaabo Xasan Garaad Axmed oo isna ka socday Ceelbuur, kaas oo helay lacag dhan 300 dollar.
Kaalinta sadexaadna waxaa galay ardey kale oo lagu magacaabo Cabdi-Qani Maxa’ed Ibraahim oo isna ka socday Ceelbuur, wuxuuna helay abaal marin dhan 120 dollar.
Xafladda lagu soo khatimayay tartanka, laguna abaal marinayay kaalmaha hore dadka galay waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin, waxgarad iyo ganacsatada wilaayada islaamiga ee Galgaduud.