Waaliga maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/Maxamad Abuu Cabdalla oo wareysi gaar ah siiyay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in wilaayada islaamiga ah ee Gedo ay ku wareejiyeen kaalmo walaalnimo oo laga soo uruuriyay shacabka ku dhaqan Sh/hoose.
Wuxuu sheegay in ay wareejiyeen raashin, maacuun, dhar iyo agabyo kale oo ku rarnaa afar gaari oo sadax kamid ah ay xamuul yihiin iyo sidoo kale lacag gaareysa 15000 $ (toban iyo shan kun oo doolar)
Waaliga ayaa bulshada Sh/hoose uga mahad celiyay sida ay ugu gurmadeen walaalahood dhibane yaasha ah ee ay Kenyaatigu duqeynta iyo barakicinta u geysteen. Sidoo kale wuxuu dadka muslimiinta ah ee reer Gedo ugu baaqay iney ku sabraan dhibka soo gaaray.
Wilaayaadka islaamiga ah ayaa waxaa ka soconaya ol’ole tabarucaad ah oo loogu gurmanayo shacabka gobolka Gedo, waxaana wilaayada Sh/hoose ay ka war bixisay qeybta iyada kaga aadan, halka la sugayo wilaayaadka kale insha’allaah.