HomeAll newsInkabadan Toban Ruux oo ku dhintay Madaafiic Lagu garaacay Xerada Xalane.

Inkabadan Toban Ruux oo ku dhintay Madaafiic Lagu garaacay Xerada Xalane.

Xafiisk UN-ka ee Xalane oo burbrusan.

Goordhow, guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan ku garaacay xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shisheeyaha ku leeyihiin Soomaaliya.

Ugu yaraan todobo madfac oo ka dhacda qoriga hoobiyaha ayaa ku dhacday xerada Xalane, oo ay deganyihiin safaaradaha Shisheeyaha, Qaramada Midoobay iyo ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Wararka horudhac ah ee laga helayo duqeynta  waxay ku warameysaa dhimashada 5 qof iyo dhaawaca 9 kale, kuwaas oo kamid ahaa dadka degan xerada Xalane oo ah taliska Shisheeyaha ee Soomaaliya.

Duqeymihii hore ee dhacay waxaa ku naf waayay saraakiil cadaan ah, waxaana illaa iyo hadda Shisheeyaha iyo Dowladda federaalka ay u taag heli la’yihiin ka hortaga duqeymahan beegsanaya goobaha ugu muhiimsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular