Cudurka Coronavirus ee markiisii ugu horeysay kasoo billowday dalka Shiinaha bishii December ee sanadkii hore ee 2019-ka ayaa guud ahaan caalamka wuxuu ku diley 271,780 ruux, kuwaas oo badankood ku dhintay wadamada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.
Maraykanka oo kale, maalintii shalay oo Jimco ahayd waxaa la diiwaan geliyay dhimashada 1635 ruux, taasi oo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka Maraykanka ee uu Carona laayay 77,178 ruux.
Wuxuu hadda cudurka gudaha u galay Aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka, uuna deganyahay madaxweynaha dalkaas Donald Trump iyo ku xigeenkiisa, isagoona ku dhacay masuuliyiin dhowr ah oo katirsan dowladda Maraykanka.
Baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay masuuliyiin katirsan Aqalka cad maalintii shalay oo Jimco ahayd ayaa sugay in haweeneyda lagu magacaabo Keyty Miller oo ah la taliyaha dhanka warfaafinta ee ku xigeenka Donald Trump uu ku dhacay Coronavirus.
Donald Trump oo hadlay wuxuu sheegay inaanu wax xiriir ah la lahayn haweeneyda katirsan masuuliyiinta Aqalka cad ee uu ku dhacay Corona, hase yeeshe wuxuu sheegay iney aad ugu dhaweyd ku xigeenkiisa Mike Penis.
Haweeneydan uu cudurka ku dhacay waxaa xusid mudan iney tahay xaaska Stephen Miller oo kamid ah la taliyaasha Donald Trump, ahna ninka qora bayaanaatka madaxweynaha dalka Maraykanka.
Markii lagu dhawaaqay in Keyty ay qabto Corona, waxaa aad u qalqaley masuuliyiintii xafiiska Penis ee wada shaqeynta la lahaa haweeneydan, waxaana dib u dhacay safar uu Mike Penis ku tagi lahaa mid kamid ah gobollada dalka Maraykanka.
Corona waxaa sidoo kale laga helay adeegaha gaarka ah ee Donald Trump, kaas oo ah sarkaal katirsan ciidamada badda ee Maraykanka.
Dhakhaatiirta Aqalka cad waxay sheegayaan in baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay Donald Trump iyo ku xigeenkiisa ay muujiyeen in labadoodaba aaney qabin cudurka, hase ahaate waxay muujinayaan suurtagalnimada in cudurka uu ku qarsoomo, maadaama uu leeyahay xilli huuris gaaraya laba todobaad.