HomeAll newsWariye Reer galbeed ah: Maraykanka Wuxuu Argagixin ka wadaa Soomaaliya.

Wariye Reer galbeed ah: Maraykanka Wuxuu Argagixin ka wadaa Soomaaliya.

 

Wariye ka  shaqeeya wargeys lagu magacaabo bylinetimes ayaa booqasho ku yimid magaaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wuxuuna la kulmey dhibanayaal ehaladooda iyo dadkii ay jeclaayeen uu Maraykanku ku dilay duqeymaha uu ka wado Soomaaliya.

horudhaca warbixinta waxay ku bilaabneysaa ” Isniintii lasoo dhaafay milliteriga Maraykanka wuxuu qirtay in labo qof oo shacab ah uu ku dilay, saddex kalana uu ku dhaawacay, duqeyn uu sanadkii hore ka fuliyay Soomaaliya, arinkan oo lagu tilmaamay qirasho dhif ah oo uu sameeyay Maraykanka”.

Inkastoo wasaaradda dagaalka ee Pentagonka ay ku doodeyso in howlgalladeeda duqeymaha ee ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney wax ku noqon dad shacab ah, hadana hay’adaha xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Amnesty International waxay Africom ku eedeyneysaa in si masuuliyad darro ah ay uga hadlaan khasaaraha dadka shacabka ah ku gaaraya duqeymaha ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Warbixintu waxay leedahay ” Markii uu Donald Trump la wareegay maamulka, weerarada duqeymaha sanadba sanadka xiga way sii kordhayeen, halka sanadkii 2016 ay duqeymuhu ahaayeen 14 oo keliya, waxay 2019-ka noqdeen 63 duqeyn, afarta bilood ee ugu horeysay sanadkan 2020-ka waxay duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya gaareen 30 duqeyn”.

Bylinetimes, waxay sheegyesaa in inkastoo Maraykanka uu qirtay oo keliya in labo qof oo shacab ah uu ku dilay duqeymaha uu ka geystay Soomaaliay, hadana ay tirada dadka shacabka ah ee ay Drone-tu beegstay ka badantahay intaas, waxayna warbaahinta maxalliga qiyaasyaaan in sanadihii ugu dambeeyey uu Maraykanka Soomaaliya ku dilay dad shacab ah oo ay tiradoodu u dhexeyso 139 illa 284 ruux.

Hadaba si loo soo bandhigo saameynta dhabta ah ee duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya, Wariyaha qoray warbixinta wuxuu sheegayaa in isaga iyo wariyaal kale ay booqdeen todobaadyadii lasoo dhaafay kaam lagu magacaabo Bangala oo ku yaala duleedka Muqdisho, kaas oo ay ku noolyihiin dad ehelladooda uu Maraykanka xasuuqey, kana soo barakacay guryahooda.

Dadka uu wareystay wariyaha waxaa kamid ah haweeney lagu magacaabo Xaawo Xaaji Aadan oo ka barakacday magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, duqeymaha Maraykanka ku weysay saddex ruux oo kamid ah qoyskeeda oo uu ku jiro ninkii qabay.

Xaawo Xaaji Aadan,waxay duqeymaha Maraykanka ku weysay saddex ruux oo ninkeeda uu ku jiro.

Xuseema Colaad Muxamad, oo iyana ku nool kaamka Bangala ee duleedka magaalada Muqdisho kana mid ahayd dadka kasoo barakacay duqeymaha Maraykanka ee uu ka wado gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegeysa in duqeymahaas ay ku dhimatay Ayeeyadeeda, maamo habarteed ahaydna ay lugta kaga go’day.

haweenka kale, ee wariyahan ka shaqeeya wargeyska Pyline times uu wareystay, waxaa kamid ah Faaduma Cali Muxamad, taas oo sheegeysa in macallin dusgsi quraan uu wiilkeeda dhiganayay, isaga iyo qoyskiisa oo ka koobna sideed ruux ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha Maraykanka ay ka geysteen Jannaale.

Warbixinta Pyline times waxay leedahay dhamaan dadka aan wareysanay duqeymaha ay ka sheekeynayeen waxay dheceen bishii Marso ee sanadkan 2020-ka, bayaanaatka Africom ay kasoo saareen duqeymaha bishaas dhaceyna waxay ku sheegeen inaaney jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeymaha.

Faadumo Cali Maxa’ed “Macalin Dugsi, xaaskiisa iyo caruurtooda oo lix gaaraya ayaa dhintay”.

Maraykanka oo ka jawaabayay warbixino ku baahay baraha Internetka oo ku aadanaa in duqeymihii ka dhacay Jannaale iyo nawaaxigeeda ay ku dhinteen dad shacab ah ayaa sheegay iney dib u eegis ku sameyn doonaan macluumaadkooda, kadibna ay la wadaagi doonaan warbaahinta.

“Hadii ciidanka Maraykanka ay dhab ka tahay inuu dib u eegis ku sameynayo xogaha sheegaya in dad shacab ah ay wax ku noqdeen duqeymaha Drones-ta ee Soomaaliya, waxaa waajib ku ah inuu eego marqaati furka ay bixiyeen dadkan ka badbaaday duqeymaha Maraykanka ee kasoo muuqday videoga aan soo duubnay, kuwaas oo mid kasta oo kamid ah uu dhiibay tabin sugan oo marqaati kacaysa Argagaxinta Maraykanka ee ay dhaayahooda kusoo arkeen” ayaa lagu yiri warbixinta Pyline times.

“Haddii uu Maraykanku ku guul dareysaty arinkaas, waxay tani taageero dheeraad ah u noqoneysaa sheegashooyinka tilmaamaya in Maraykanka uu si ula kac ah uu waxyeello u gaarsiiyo dadka shacabka ah, inta uu ku jiro dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada ee socoda inkabadan 20 sano” ayaa lagu soo khatimay warbixinta wargeyska Pyline times ee ku aadan duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

Horay sidan oo kale, waxaa duqeymaha Maraykanka ee uu ka geysanayo Soomaaliya uga hadlay hay’adaha sheegta Xuquuqda Aadanaha, sida Amnesty International iyo maraakiz diraasaad ka furan qeybo badan oo kamid ah Caalamka, kuwaas oo ka marqaati kacay in Maraykanka uu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed, welina Maraykanka waxaa muuqaneysa inuu ku dhici la’yahay inuu runta ka sheego xaqiiqda duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya oo noqday kuwa aan kala sooc lahayn u beegsada dumarka, caruurta, waayeellada, ganacsatada iyo Odayaasha dhaqanka.

Halkan ka dhagayso Warbixinta Pylinetimes ee duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular