HomeAll newsDonald Yammamoto " Waxaan Soomaaliya u joognaa inaan qaadano Kheyraadkeeda".

Donald Yammamoto ” Waxaan Soomaaliya u joognaa inaan qaadano Kheyraadkeeda”.

Taliyaha Africom iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Waraysi uu bixiyay Donalad Yamamoto oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu si qota dheer wuxuu kaga hadlay duulaanka Maraykanka ee Soomaaliya iyo sababta ku riixeysa ciidamada Maraykanka iney ka qeyb qaataan dagaallada ay Shisheeyuhu ka wadaan wadankan.

Yamamoto oo waraysi siiyay Xarunta la dagaalanka Argagaxisada ee taabacsan kulliyada milliteriga Maraykanka ee West point ayaa ugu horrayn isku sheegay in uu yahay khabiir muhiim u ah wasaaradda arrimaha dibadda uuna kasoo shaqeeyay wadammo dhowr ah.

Safiirka Mareykanka ee Muqdisho ayaa carrabaabay in ku lug lahaashiyahooda dagaalka Soomaaliya uu yahay mid leh aragti fog oo ku dhisan sidii uu Maraykanka gacanta ugu dhigi lahaa dhaqaalaha iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, una noqon lahaa awood looga haybaysto mandiqadda oo idil.

“Marka ay timaado Quwadaha caalamiga ah ee tartanka nagula jira sida China iyo Russia mid kamid ah waxyaabaha ay danaynayaan waa kheyraadka ka imaan doona bariga Africa, sababtoo ah marka aad fiiriso mustaqbalka halka laga heli dooni macaadinta dhif dhifka ah iyo birta culus waa bariga Africa,dhammaan taleefanada gacanta ee aad isticmaali doontaan iyo dhammaan hubka mustaqbalka ee Technolojiga ah waxaa laga heli doonaa geeska Africa gaar ahaan mandiqada bariga africa taasi waa sababta dowladda Maraykanku ay u joogto halkaas waana sababta aan isha ugu hayno qaarada”ayuu yiri Yamamoto.

Wuxuu ka dhiganyahay hadalka Yamamota inuu si cad oo aan ka gambsho lahayn u qiray in mid kamid ah asbaabaha uu Maraykanka faragelinta ugu hayo Soomaaliya ay tahay damac dhaqaale, kaas oo ay ka mideysanyihiin dhamaan dowladaha sheegta awooda sida Shiinaha iyo Ruushka.

“Maxaad u malaynaysaa in dowladdaha nala baratamaya ay ka rabaan Afrika? ma waxay kula tahay in ay danaynayaan Afrika? Iska iloow taas madaneeyaan qaarada oo kaliya, waxay doonayaan waa kheyraadka qaaradda, maxaa yeelay kheyraadku waa furaha horumarka dhaqaale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yamamoto.

Safiirka Maraykanka ee magaalada Muqdisho, ayaa waraysigan uu bixiyay wuxuu ku muujiyay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad jecel diinta Islaamka, marka ay dhibaato timaadana wanaag ka rajeeya Jamaacaadka islaamiga ah.

“Markii ay burburtay dowladdii dhexe waxaa dalka ka qarxay dagaal sokeeye markaas oo ay dadku bilaabeen inay raadiyeen sidii ay ku joojin lahayeen dagaalladaas,kadibna waxay bilaabeen in ay xalka ka raadiyaan Islaamiyiinta, mid kamid ah islaamiinta waxay ahaayeen Midowga Maxkamaddaha Islaamiga ah, Dowladda Itoobiya ayaa howlgal Military oo ka dhan ah Maxkamadihii Islaamiga ahaa wadanka kusoo qaaday iyadoo ay si dhow ula shaqeyneysay dowladda Maraykanku taasi ayaa keentay in ay halkaas ka dhalato koox ka xoog badan kana sameyn badan maxkamadaha, waa Xarakada Al-Shabaab”. ayuu yiri Donald Yamamoto.

Cilmi baare ka socday Xarunta la dagaalanka Argagaxisada ee taabacsan kulliyada milliteriga Maraykanka ee West point ayaa waydiiyay Donald Yamamoto safiirka Maraykanka ee magaalada Muqdisho waxa uu Maraykanku ka damacsanyahay Soomaaliya, sida uu xaalku noqon doono hadii ay ciidamada Shisheeyaha ka baxaan Soomaaliya sanadka 2022-da.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu yahay midka leh Soomaaliya marka la eego dhaqaalaha iyo dadaallada melleteri ee uu ku bixiyay dagaalka ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee taageerada ka heleysa shacabka Soomaaliyeed.

Donald Yamamoto, safiirka dowladda Maraykanka ee magaalada Muqdisho, wuxuu dhanka kale walaac xoogan ka muujiyay awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo sheegay iney halis ku yihiin danaha Maraykanak ee bariga Africa, gaar ahaan safaaradaha Maraykanka uu ku leeyahay dalal ay kamid yihiin Itoobiya iyo Jabuuti.

Haddii ay dhacdo in ciidamada Shisheeyaha ee wata magaca AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2022-da, wuxuu Donalad Yamamoto sheegay inuu halis ku jiro mashruuca waxa loogu yeero la dagaalanka Argagaxisada, hase yeeeshe wuxuu muujiyay in ciidamada Itoobiya aaney kamid ahana doonin ciidamada dalka ka baxaya, isagoo sheegay iney kaashan doonaan ciidamada faragelinta deg dega ee bariga Africa oo uu la jeedo Xabashida Itoobiya.

Waraysigan uu bixiyay safiirka Maraykanka ugu magacaaban Soomaaliya ee Donald Yamamoto, wuxuu daaha ka rogayaa xaqiiqda iyo ahdaafta duulaanka Maraykanka ee Soomaaliya, kaas oo marka laga soo tago inuu ku leeyhay diin, hadana wata masaalix kale oo ay kamid tahay Dhaqaale.

Dhamaan Shisheeyaha kala duwan ee dalka jooga, haba ugu horeeyaan Maraykanka, waxay si joogta ah u guranayaan kheyraadka kala duwan ee uu Allaah ku manneystay dalkan, waxaana xaqiiqdan horey usoo bandhigay kana hadlay hormuudka umadda, gaar ahana waxgaradka, Aqoonyahannada iyo hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular