HomeAll newsDhakhatarad u dhalatay dalka Maraykanka ayaa Oo is dishey, kadib markii uu...

Dhakhatarad u dhalatay dalka Maraykanka ayaa Oo is dishey, kadib markii uu ku dhacay Coronavirus.

Haweeney lagu magacaaboa Lorana Perin oo kamid ahayd dhakhaatiirta ka howlgasha magaalada Newyork ee dalka Maraykanka ayaa is dishey, kadib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus, kana caafimaaday.

Haweeneydan ayaa masuul ka ahayd qeybta deg dega ee isbitaalka weyn ee Newyork, waxaana la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ku riixay iney is disho, maadaama ay ka caafimaaday cudurka Corona oo si adag u leynaya dadka Ameerikaanka ah.

Dhakhaatiirta la shaqeyneysay dhakhtaradan waxay sheegayaan in xanuuno nafsi ah ay ka qaaday sida uu dadka u leynayo Coronavirus, maadaama ay joogtay isbitaalka weyn ee Newyork, kaas oo ah isbitaalka ugu weyn ee la keenayay dadka uu soo ridanayay Coronavirus.

Aabaha dhalay haweeneydan oo lagu magacaabo Filib ayaa sheegay in gabadhiisa ay aad uga murugsaneyd dadka uu soo ridanayo Coronaha, ee sida tirada badan u dhimanaya, taasina ay keentay iney is disho.

Dadka aan rumeysneyn Allaah SWT ayaa u nugul musiibooyinka, maadaama aanay lahayn sabar iyo dulqaad ay ugu adkeystaan musiibooyinka Rabaaniga ah, Diinta Islaamka ayaana Muslimiinta fareysa iney ku sabraan musiibooyinka oo ay ka heli doonaan Ajar farabadan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular