HomeAll newsAskar Bankraf ah Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Askar Bankraf ah Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey qarax culus oo askar katirsan ciidamada daacadda u ah Maraykanka lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa waxa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Warmaxan ee Shabeellaha Hoose, waxaana lala beegsaday gaari Cabdi bile ah iyo mid bullet baruuf ah, kuwaas oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ee uu tababaray Maraykanka.

Gaariga Cabdi bilaha ah ayuu qaraxu si adag u haleeley, isagoona gebi ahaanba burburay, waxaana waxyeello gaartay gaariga kale ee la sheego iney yihiin kuwa aanu xabadda karin.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo katirsan ciidamada Bankrafta ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar kale, waxaana markaas kadib goobta soo gaaray ciidamo gurmad ah.

Gaari Ambalaas ah iyo Cabdi bile ay saaranyihiin ciidama Bankraf ah ayaa soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada saaxibadooda.

Dhanka kale, askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay dilka, waxayna askariga horey uga qaateen qori uu ku hubeysnaa.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa tan iyo bisha  barkeysan ee Ramadaan waxay sii laba laabtay howlgallada ay ku beegsaneyso Shisheeyaha iyo ciidamada Dowladda federaalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular