HomeAll newsAFRICOM Oo Qiratay in Dad shacab ah ku dishey Kuunya Barrow.(Warbixin)

AFRICOM Oo Qiratay in Dad shacab ah ku dishey Kuunya Barrow.(Warbixin)

 

Gabar dhalneyd 20 cisho oo ku dhimatay duqeyn Maraykanku ka fuliyay Kuunyo-barrow. Februarry-2019

Warbixin kasoo baxday taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo Africom ayaa markii ugu horeysay waxay dowladda Maraykanka ku qiratay in dad shacab ah ay ku dishey duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Africom jeneraal Stephen Twensend, ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn ka dhacay Kuunya barrow 23-kii February sanadkii 2019-ka ay ku dileen labo qof oo shacab ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

“Nasiib darro laba qof oo rayad ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya”, ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend.
Dadka uu Maraykanka duqeyntaas ku dilay, sanad kadibna uu qirtay iney ahaayeen shacab, waxay kala ahaayeen gabar dhalneyd 20 cisho, iyo macallin dugsi Qur’aan lagu magacaabo Xuseen macallin Cabdi.

Meydka Macallin Xuseen iyo gabadha dhallaanka ah oo yaala Isbitaalka Kuunya barrow.

Xilligaas, waxay dowladda Maraykanka bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dadka ay ku beegstay duqeyntaas, islamarkaana ku dishey ay ahaayeen dagaalyahanno hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Tallaabada uu taliska Africom ku qirtay in duqeyntii Kuunya barrow ay ku dileen dad shacab ah ayaa ah markii labaad oo uu Maraykanku qirto in duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya ay wax ku noqdeen dad shcab ah.

Horay, waxay Africom u qirtay in duqeyn ka dhacday duleedka magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ay ku dishey labo qof oo shacab ah, inkastoo markii hore ay dadkaas ku tilmaamtay iney ahaayeen xubno katirsna Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Duqeymaha aan loo meel dayin ee uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya ayaa waxa uu si indha la’aan ah ugu beegsanayaa dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, kuwaasoo aaney jirin wax ay galabsadeen, marka laga reebo iney yihiin dad muslimiin ah oo Allaah rumeysan.

Aroornimadii hore ee maalintii Sabtida oo ay taariikhud ku beegneyd 24 February 2019-ka, oo saqdeedii dhexe ay dhacday duqeymaha uu hadda Maraykanka qirtay inuu ku diley dad shacab ah, kana dhacday Kuunya barrow, ayay idaacadda islaamiga Al-Furqaan goobihii ay wax ka dheceen.

Dadka aan wareysanay waxaa kamid ah hooyada dhashey gabadha labaatanka beri dhalneyd ee uu Maraykanku sheegtay dilkeeda, taasoo qudheeda uu gaaray dhaawac, waxayna hooyadan ka sheekeysay wixii dhacay habeenkaas.

Ilyaas yare wuxu ku dhaawacmey duqeynta Maraykanka

Ilyaas oo isna ahaa wiil da’ yar oo la dhashey gabadha labaatanka beri dhalneyd ee uu Maraykanku diley ayaa isagoo ku jira isbitaalka Kuunya barrow, oo lagu dabiibayay, wuxuu isna ka hadlay shucuurtiisa, iyo cida u geystay dhaawacaas.

Hooyo 72 sano jir ah, xilligaasna xanuunsaneyd, islamarkaana ah hooyada dhashey macallin Xuseen macallin Cabdi ayaa iyadana waxay ka warantay wiilkeeda uu Maraykanka diley, iyo qaar kamid ah tilmaamihii uu lahaa.

Qirshada Maraykanka ee ah inuu dad shacab ah ku diley Soomaaliya, waxay kusoo aaadeysaa iyadoo bishii Marso ee sanadkan, bayaan kasoo baxay maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab lagu sheegay in Maraykanku uu gowrac wadareed ka dhan shacabka Soomaaliyeed ka geysanayo Soomaaliya.

“Marka laga hadlo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka, weerarada Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya waxaa loo fuliyaa si aan kala joogsi lahayn, ma jiro liis koobaya jaraa’imta uu ku kacayo Maraykanka ee ay kamid tahay in caruurta uu ka qafaasho goobahooda waxbarashada, duqeeyo xarumaha caafimaadka, qaysas dhan uu xasuuqo, islamarkaana dilo hooyooyinka, caruurta, odayaasha Qabaa’ilka, iyo jariimooyinka kuwaas lamidka ah ee uu kula kacayo Muslimiinta” ayaa lagu yiri bayaanka maktabka Siyaasadda.

wuxuu Bayaanku dhanka kale soo gudbiyay tira koob rasmi ah oo cadeynaya tirada dadka shacabka ah ee ku dhimanaya duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

“Marka loo eego matkabka Tirakoobka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, inkabadan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuu ku beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Badi dadka ku dhintay howlgalladaas waxay ahaayeen dad beeralley ah, waxayna tirada guud ee dadka dhintay ka yihiin 37%, waxaa ku xiga dumarka iyo caruurta oo tirada guud ka noqonaya 24.1%, halka dadka reer baadiyuhu yihiin 21.4%.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Marka laga soo tago dhimashada, Duqeymaha waxay dhaliyaan khasaare maaliyadeed.

Hay’adda sheegta iney u doodo xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ayaa warbixino is xig xiga oo ay saartay waxay ku sheegtay in Maraykanka ay si indha la’aan ah u beegsanayaan dadka shacabka ah, qofkii ay dilaana ku tilmaamaan inuu yahay xubin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Africom kuma guul dareysan oo keliya iney daaha ka rogo khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaraya howlgalladeeda, waxayna u muuqataa kuwa aan waxba ka gelin qoysaska ay noloshoodu gebi ahaanba burbureyso” ayaa lagu yiri warbixi bishii April kasoo baxday hay’adda Amneysty.

“Ehellada dadkooda ay dhinteen waxay is weydiinayaan su’aal ah, muxuu Maraykanka u beegsanayaa dadkooda, waxaa sidoo kale duqeymahan la iska weydiinayaa su’aallo ah sida Africom ay u ilaalin karto xeeararka caalamiga ah” waxaa sidaas yiri Brian Castner oo kamid ah masuuliyiinta hay’adda Amnesty International.

Inkastoo weli diyaaradaha Maraykanka ay dul hee heebaan deegaannada koonfurta Soomaaliya, ayna si joogta ah u fuliyaan duqeymo ay dad shacab ah ku gumaadaan, ayaa hadana waxaa la is waydiinayaa ” Shacabka Soomaaliyeed ma sheeda ayuu ka daawan doonaa gumaadka uu Maraykanka kala kulmayo, mise Dadku way iska difaaci doonaan duulaannada horarka ah iyo gumaadka wuxuushnimada ah ee ay kala kulmayaan Maraykanka”.

Halkan ka dhagayso Warbixiin AFRICOM oo qirtay in dad shacab ah ku dishey Kuunya barrow

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular