HomeAll newsAskari Katirsan Bakarafta Oo Muqdisho Lagu dilay.

Askari Katirsan Bakarafta Oo Muqdisho Lagu dilay.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu toogtay askari katirsan ciidamada uu Maraykanka tababaray ee loo yaqaano Bankrafta.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Muqdisho ku toogtay askari magaciisa lagu soo gaabiyay Maxmuud.

Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga dhaqaaqay dilka kadib, waxaana meydka askariga goor dambe qaaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Dilka askarigan wuxuu imaanayaa iyadoo maalintii shalay sidan oo kale rag katirsan Xarakada Al-Shabaab ay degmada Kaaraan ku dileen sarkaal saddex xidigle ah oo katirsan booliiska Dowladda federaalka.

Taliyaha Booliiska Dowladda federaalka ayaa ka tacsiyeeyay dilka sarkaalkaas oo sidoo kale ahaa Abwaan afka ugu adeega Shisheeyaha Soomaaliya duulaanka ku jooga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular