Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in howlgallo kala duwan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolkaas lagu dilay askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Qarax ka dhacay duleedka magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen lix kale.
Howlgal gaar ah oo isna ka dhacay deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose ayaa isagana waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Howlgalladan waxay kusoo aadayaan, iyadoo qaraxyo maalintii shalay ka dhacay degmada Awdheegle lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka, halka sidoo kale lagu dhaawacay 12 kale oo ay saraakiil ku jiraan.
(ambien)