Dalka Canada waxaa ka dhacday toogasho khasaare badan dhalisay oo lala beegsaday muwaadiniin iyo ciidamo katirsan booliiska Canada.
Weerarka toogashada ah waxa uu ka dhacay deegaan baadiyaha dhaca oo lagu magacaabo Nova Skotiya, waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan 16 ruux oo midi uu yahay sarkaal katirsan Booliiska Canada.
Sida ay sheegayaan booliiska dalkaas, waxaa toogashada fuliyay nin 51 jir ah oo ku caan baxay falalka ka dhanka ah amniga, sida ay Booliisku sheegayaan, waxaana hadda gacanta ku haya Booliiska.
Baaritaanno lagu ogaanayo sababaha rasmiga ah ee ninkan ku riixay weerarka ayaa soconaya, waxaana markaas kadib loo gudbin doonaa maxkamadda wadanka Canada.
Dalalka Reer galbeedka xilli uu Corona dhibaato ba’an ku hayo ayaa hadana waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro noocaan oo kale ah oo gallaafta nolosha dad badan.