HomeAll newsDiraasad: Corona kadib Gabdhaha Muslimaadka Waxaa u badbaaday Xijaabkooda!

Diraasad: Corona kadib Gabdhaha Muslimaadka Waxaa u badbaaday Xijaabkooda!


Dirsaasad dhawaan laga sameeyey wadamada Reer galbeedka ayaa muujisay in haweenka Muslimaadka ee xijaaban ay ka badbaadeen dhibaatooyin ay marki hore kala kulmayeen dadka ay ku dhex noolyihiin ee aan heysan diinta Islaamka, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Coronavirus ka dillaacay caalamka gaar ahaan Yurub iyo Ameerica.

Diraasadan oo ay sameysay haweeney lagu magacaabo Aana Bila oo katirsan jaamacadda North Westren ee dalka Maraykanka, laguna wareystay haween muslimaad ah oo tiradoodu gaareyso 38, kuwaas oo qaata xijaabka iyo Indha shareerka.

Haweeney lagu magacaabo Cafraa, oo kamid ah dadka ay diraasadda wareysatay ayaa sheegeysa in isbedel ballaaran oo la xiriira xaga tacaamulka ay dareemayaan, islamarkaana ay meesha ka baxday aragtidii liidatay ee ay reer galbeedku ku fiirin jireen haweenka xijaaban ee muslimaadka ah, gaar ahaan dadka ku nool magaalada London.

Waxay intaa ku dartay ” hadda qaab xun iima eegaan, mana ka didsana Indha shareerkeyga Xijaabkeyga iyo galoofiskeyga, dhamaan dadku waxay hadda u muuqdaan kuwa fahmaya xaalka” ayay tiri Cafraa oo ah magac mustacaar ah oo shakhsiyadeeda rasmiga ah lagu qariyay.

Haweeney iyadana lagu magacaabo Jamiila oo ku dhaqan dalka Faransiiska ayaa sheegeysa in dhibaatada caalamiga ah ee hadda jirta ay sabab ugu noqotay iney ka badbaado faallooyin qaldan oo laga bixiyo xijaabkeeda iyo labiskeeda.
Waxay sheegtay in hadda ay billaabeen shirkadaha soo sameeya dharka iney soo saaraan waxyaabo wejiyada lagu xirto, si looga badbaado cudurka Coronavirus.

Dastuurka Faransiiska ayaa mamnuucaya in Indha shareerka lagu xirto goobaha ay isugu imaadaan dadweynaha, haseyeeshee wixii ka dambeeyay Coronavirus indha shareerku ma ahan wax dembi ah, haweenkuna waxay ku qaadan karaan goob weliba, iyadoo xitaa haweenkii gaalada ahaa ay wejiyada daboolanayaan.

Horay wadamada Reer galbeedka, waxaa adkeyd in haweenka muslimaadka ay xirtaan libaaska sharciga ah ee Xijaabka iyo Indha shareerka, waxaana mar weliba oo ay banaanka usoo baxaan la kulmayeen tacadiyaad iyo gabood fallo uga imaanaya dadka aan Muslimiinta ahayn.

Hase ahaatee Coronavirus wuxuu meesha ka saaray arinkaas, haweenka muslimaadkana waxay si xur ha u qaataan labiskooda, reer galbeedkuna wuxuu Alle ku san dulleeyay iney qaataan tacaaliimta Diinta Islaamka iyagoo aan jecleyn.

Islaamka ayaa inkabadan kun sano kahor, wuxuu dadka amray iney ilaaliyaan Nadaafadda guud, haweenka Muslimaadkana waxaa la faray iney xijaabtaan, dhamaan talooyinka ay hadda bixinayaan Dhakhaatiirtuna badankood waa kuwa ay horey inoo amartay Diinta Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular