Habqanka Ciidamada Itoobiyaanka oo weli ku socdaalaya gobollada Gedo iyo Bay iyo Bakool ayaa la kulmaya silsilado weeraro ah oo uga imaanaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Maalintii shalay ciidamada Itoobiya oo maraya qeybo kamid ah gobolka Baay ayaa la kulmey ugu yaraan lix weerar oo labo kamid ah ay ahaayeen weeraro toos ah.
Ciidamada Itoobiyaanka waxaa lagu galay inta u dhexeysa Yurkud iyo Bardaale oo katirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxaana gaaray khasaare tiro badan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa kasoo baxay dalkooda, waxayna dhawaan kasoo gudbeen dhulka Soomaali galbeed, iyagoo sidaas kusoo galay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Tan iyo markaas waxay ciidamada Itoobiyaanku la kulmeen silsilado weeraro ah oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.