HomeAll newsQarax Askar lagu dilay oo ka dhacay Duleedka Jannaale.

Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay Duleedka Jannaale.

Wararka ka imaanaya magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid culus, jugtiisana inta badan la maqlay ayaa gallaaftay nolosha 5 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ee qaraxa lala eegtay.

Ciidanka la beegsaday ayaa lugeynaya xilliga uu qaraxu haleelay, waxayna taasi keentay in khasaare ba’an gaaro, iyadoona ay jiraan tiro kale oo dhaawacantay.

Tan iyo markii ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka soo gaareen Jannaale waxaa si xiriir ah u qabsanaya weeraro culus oo uga imaanaya dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular