HomeAll newsQaraxyo Xoogan Oo Ciidamo Itoobiyaan ah lagula eegtay Duleedka Luuq.

Qaraxyo Xoogan Oo Ciidamo Itoobiyaan ah lagula eegtay Duleedka Luuq.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lagu weeraray kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo mudooyinkii u dambeeyay ku socdaalayay halkaas.

Qaraxyada ayaa waxay gaarayaan illaa labo qarax, waxayna ahaayeen kuwa aad u culus oo jugtooda laga maqlay deegaannada miyiga ah ee hoosyimaada degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo xaqiijiyeen in khasaare culus oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidamada Itoobiyaanka ah, islamarkaana ay hakad geliyeen socodkooda.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamadan maanta qaraxyada la kulmey uu qabsday weerar culus oo kamiin ah oo ay u dhigeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna askartan Itoobiyaanka ah ka yimaadeen Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular