
Wararka ka imaanaya deegaanka Goof Guduud Buurey oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in deegaankaas lagu dilay gudoomiyihii ugu magacaabanaa maamulka Koonfur Galbeed.
Rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha deegaanka ku dilay Xasan Biyow oo ahaa gudoomiyihii Goof Guduud buurey, waxayna ka qaateen qori uu ku hubeysnaa.
Dhanka kale, habeenkii xalay qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo lagu weeraray ciidamada Dowladda Federaalka.
Saldhiga Galbeed ee Dharkeenlay, xerada 77 ee Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka, waxaana qaraxyadaas ka dhashey khasaare kala duwan.
Sidoo kale, ciidamo katirsan dowladda federaalka ee joogay buundada Afgooye iyo boosteejada gaadiidka aada Muqdisho ee gudaha Afgooye ayaa xalay la weeray.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay ee dhacay.