HomeAll newsAl-Shabaab Oo dagaal kula wareegay Deegaanka Diif.

Al-Shabaab Oo dagaal kula wareegay Deegaanka Diif.

Gelinkii dambe ee maalintii shalay, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan abaabulan ku qaaday deegaanka Diif ee dhaca Jubbada hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen askar katirsan maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid kulul ayaa labada dhinac waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ugu damabeyntii deegaanka la wareegay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Faafaahin laga helayo khasaaraha ka dhashey dagaalkaas ayaa ku warameysa in dagaalka lagu dilay 3 askari, halka lagu dhaawacay 2 kale oo midi taliye yahay, kuwaas oo dhamaantooda katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Dadweynaha deegaanka Diif ayaa si diiran usoo dhaweeyey ciidamada Xarakada Al-Shabaab, waxaana loo jeediyay dadka muxaadaraad diini ah oo ka hadlaya waaqica ka jira wadanka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaalka kula wareegeen saanado hub ah oo kala duwan, kuwaas oo yaaley saldhiga ciidamada iyo xarunta maamulka deegaanka Diif.

Horay ayay marar badan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u weerareen deegaanka Diif ee Jubbada hoose, halkaas oo ay kula wareegeen saanado hub ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular