HomeAll newsQarax ka dhacay Saldhiga Booliiska ee degmada Howladaag.

Qarax ka dhacay Saldhiga Booliiska ee degmada Howladaag.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay saldhiga ciidamada Booliiska ee degmada Howlwadaag.

Qaraxa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Booliiska oo ku sugnaa saldhiga, waxaana ka dhashey waxyeello gaartay ciidamada la weeraray.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay saldhiga Booliiska ee degmada Howlwadaag, magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib, ciidamada dowladda federaalka ayaa rasaas jihooyinka u riday, lamana soo sheegin waxyeello ka dhalatay rasaastaas ay fureen ciidamada dowladda federaalka.

Qaraxan ayaa ku daba feylaya howlgallada joogtada uga dhaca magaalada Muqdisho ee lagu beegsanayo xubnaha iyo ciidamada dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxamed Farmaajo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular