HomeAll newsAala-Sucuud Oo Xabsiga dhigay Shakhsiyaad katirsan qoyskaas.

Aala-Sucuud Oo Xabsiga dhigay Shakhsiyaad katirsan qoyskaas.

Wargeysyo badan oo kasoo baxa wadanka Maraykanka ayaa daabacay warbixnno la xiriira in maamulka Aala-Sucuud uu xabsiga dhigay xubno sar sare oo katirsan qoyska talada haya, kuwaas oo aan hadda wax jago ah ka heynin maamulka Aala-Sucuud.

Washington Post, Bolombereg iyo kuwa kale oo kasoo baxa wadanka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in xubno sar sare oo katirsan qoyska Aala-Sucuud xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo ay kamid yihiin Axmed bin Cabdil Caziiz oo la dhashey boqor Salmaan bin Cabdil Caziiz, iyo sidoo kale dhaxalsugihii hore ee maamulkaas Muxamad bin Naayif.

Muxamad bin Salmaan oo ah wasiirka gaashandhiga iyo dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud ayaa bixiyay amarka lagu soo xiray ragaas, waxaana uu ku eedeynaya khiyaano qaran iyo iney kasoo horjeedaan maamulkiisa.

Tani waxay falanqeeyayaal dhowr ah ku tilmaameen mid u gogol xaareysa damaca Muxamad bin Salmaan ee ah inuu noqdo boqorka guud ee maamulka Aala-Sucuud, iyadoo aanu dhiman aabihiisa Salmaan bin Cabdil Caziiz.

Shakhsiyaadka la xiray ayaa ahaa dad dhibaatooyin ba’an kasoo geystay dhulka Xarameynka, waxaana Muxamad bin Naayif intii uu ahaa xogheynta Aabihiisa uu xabsiyada dhigay dad aad u badan oo ay ku jiraan culimo iyo haween, waxaana hadda muuqaneysa in aduunka uu dhibaato kula kulmayo.

Dad badan waxay sheegayaan in madaxda reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka oo raggan hadda xabsiga loo dhaadhicyay mudooyin badan usoo shaqeeyeen ay hadda sheeda sare ka daawanayaan dhibaatada ay kala kulmayaan Muxamad bin Salmaan oo ah qof fud fudud, una dulqaadan karin in afkaartiisa laga hor yimaado, sida ay sheegayaan dadka ka faallooda maamulka Aala-Sucuud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular