HomeAll newsAskari katirsn HirShabeelle oo lagu dilay Hiiraan.

Askari katirsn HirShabeelle oo lagu dilay Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar jidgal ah la eegteen ciidamo katirsan kuwa maamulka HirShabeelle.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jaabirow oo galbeedka kaga beegan magaala madaxda Hiiraan ee Baladweyne, waxaana khasaare dhimasho iyo dhaawac isuga jira lagu gaarsiiyay askarta gacan saarka la leh Xabashida.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka kamiinka ah, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana deegaanka lagu dagaallamay ku sugan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Hir Shabeelle ayaa katirsan maamul goboleedyada ka hoos shaqeeya Shisheeyaha kusoo duuley Soomaaliya, waxaana inta badan dhulka uu sheegto inuu ka jiro maamulkaas ka arimiya maamullada wilaayaadka islaamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular