
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo habeenkii xalay ay ka fuliyeen gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxay ku dileen masuuliyiin katirsan maamulka degmadaas ee Jubbaland.
Ugu yaraan saddex gudoomiye waaxeed ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo habeenkii xalay.
Saraakiil katirsan maamulka degmada Baardheere ayaa xaqiijiyay in habeenkii xalay ay gudaha magaalada soo galeen dagaalyahanno hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, halkaasna ay ku dileen ugu yaraan saddex gudoomiye waaxeed.
Howlgalkan ayaa saaka waxaa aad looga hadal hayaa magaalada Baardheere, waxaana cabsi iyo wal wal dareemaya masuuliyiinta maamulka oo ka cabsanaya in si qarsoodi ah loo beegsado.