Ciidamada Shiishyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Buurane ee Shabeellaha dhexe waxay ku dileen askari Burundeys ah oo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga halkaas.
Askariga ayaa la toogtay xilli uu taagnaa albaabka hore ee saldhiga ciidamada Shisheeyaha, waxaana uu durba ku dhacay dhulka, taas oo argagax gelisay ciidamada kale ee Shisheeyaha.
Waxaa sidoo kale dhaawacmey askari kale oo isaguna ay haleeshey rasaas lagu shiishey oo ay tuureen ciidamada Shiishyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Arintan ayaa waxaa aad looga hadal hayaa deegaanka, waxaana saraakiisha Shisheeyaha oo hadley ay xaqiijiyeen weerarka khasaaraha loogu geystay ee ka dhacay Buurane.