HomeAll newsDagaallo iyo duqeymo ka dhacay Afmadow iyo Ceel saliini.

Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Afmadow iyo Ceel saliini.

Wararka inaga soo gaaraya goballada shabeellaha Hoose iyo jubooyinka ayaa ku waramaya in ciidamada xarakada shabaabul mujaahidin saacadihii lasoo dhaafay ay markale weerareen deegaanka Ceel saliini oo dhaca duleedka Marko iyo degmada Afmadow ee wilaayada Jubooyinka.

Weerardaasi oo kala dhacay xalay iyo shalay ayaa haatan laga helayaa tafaasiil.

Weerarka Ceel saliini ayay ciidamada mujaahidiinta u adeegsadeen madaafiic kuwaasi oo ku hoobtay saldhiga oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka oo dhagahooda uu kasii guuxayo weerarkii todabaadkii tagay lagu laayay qaar kamid ah saaxiibadooda.

Ku dhawaad 20 madfac ayaa ku hoobtay gudaha xerada xili saraakiil katirsan dowladda Ay niyada udhisayeen askartii ka badbaaday weerrarka arbacadii lasoo dhaafay lagu qaaday Ceelsaliini.

Mar qura ayaa waxaa kala yaacay Ciidamada iyo saraakiishooda si ay kaga badbaadaan madaafiicda oo in muddo ah ku socotay gudaha saldhiga.

Khasaarooyin isugu jira dhimasho,dhaawac iyo mid hanti yadeed ayay sababeen madaafiicda lagu garaacay xaruntaasi.

Ceel saliini oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa waxaa marar badan lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku daaban Maraykanka.

Dhanka kale ciidamo katirsan mujaahidiinta ayaa xalay weeraray ciidamada maamulka Axmed Madoobe ee ku sugan gudaha Afmadow.

Askarta shabaabul mujaahidiin ayaa lagu dhex arkay magaalada oo gacanta ugu jirta Ciidamada dowladda Kenya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada laga dhex maqlay dhawaqa rasaasta ay is weedaarsanayeen dhinacyada dagaalamay.

Lama heli faafaahin ku aadan dagaalkaasi.

Weerarka afmadow ayaa kusoo aaday xili maalmo ka hor ciidamada maamulka jubaland khasaaro xoogan kala kulmeen weeraro isagu jiray qaraxyo iyo dagaallo kuwaasi oo ka dhacay qeybo kamid ah wilaayada jubooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular