HomeAll news41 Askari Oo lagu dilay Weerarkii weynaa ee Ceel-Saliini.

41 Askari Oo lagu dilay Weerarkii weynaa ee Ceel-Saliini.

Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay xogo rasmi ah ka heleysaa weerarkii weynaa ee aroornimadii hore ee saaka ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda federaalka ee deegaanka Ceel Saliini.

Ugu yaraan 41 askari oo katirsan askarta dowladda federaalka ayaa lagu dilay weerarka, kuwaas oo meydadkoodu ay hadda bilqanyihiin gudaha xerada lagu dagaallamay, iyadoona ay suuragal tahay in  tiradu intaa ka badantahay maadaama ay jiraan askar dhaawacyo halis ah qaba oo baxsaday.

Marka laga hadlo gawaarida ciidamada ee weerarka lagu burburiyay waa illaa iyo afar gaari, iyadoona labo gaari oo aaney waxba gaarin gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxaa intaa dheer saanado hub ah oo aad u badan, kuwaas oo ay daabusheen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular