HomeAll newsNusratul Islaam Oo bogaadisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.(BAYAAN)

Nusratul Islaam Oo bogaadisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.(BAYAAN)

Afhayeen akhriyay Bayaanka kasoo baxay Nusratul Islaam.

Mu’assasada warbaahineed ee Az-zallaaqa oo ku hadasha afka Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka jihaada wadamada saxaraha iyo saaxilka Africa ayaa baahisay bayaan muhiim ah oo ku socoda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalanta bariga Africa.

Bayaankan oo ciwaan looga dhigay “ Farriin ka timid wiiilashii Ibnu Taashfiin oo ku socota halyeeyada iyo libaaxyada dagaalka ee ku sugan Ardul Hijrateyn”, waxaana bogaadin iyo salaan sharfeed walaaltinimo ka muuqato loogu diray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Istif-taax iyo furfurasho kadib,  waxaa bayaanka ay baahisay Mu’assasad Az-Zallaaqa lagu yiri “ Tani waa farriin ka socota Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, oo ku socota walaalaha libaaxyada iyo geesiyaasha dagaallada ee jooga dhulka Ardul Hijrateyn, Alle ha dhowree, tallaabtoodana Xaqqa haku toosiye, Assalaamu Caleeykum Waraxmatullaahi Wabarkaatuhu, walaalaha Iimaanka iyo Jihaadka ee jooga Soomaaliyada aan jecelnahay way nasoo gaartay fariintiina wanaagsaneyd, ee ay ka buuxday jacayl, ballan oofin, Nusxi, walaaltinimo iyo in la isku booriyo ku sugnaanta dagaalka iyo Jihaadka lagula jiro cadowga, idinka ayaa ah raggii ku hormaray howshaas, ehelna waad u tihiin, waxaadna sidaas ku nooleysaan micnaha halka jasadka ee marka ay xubin kamid ah sheegato isugu wacanayo dhafar iyo soo jeed, Alle ayaa ku mahadsan oo nagu manneystay inaan isu soo dunno, is jeclaano, isku hiilino, iskuna kaashano Jihaadka wadada Allaah” ayaa lagu yiri bayaana kasoo baxay Nusratul Islaam ee ku socoda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay shegeen in si xeeldheer ula socdaan wararka iyo akhbaaraadka Mujaahidiinta Soomaaliya, iyo dadaallada ballaaran ee ay ku bixinayaan sidii bariga Africa looga xureyn lahaa gumeysiga tooska ah iyo midka dadban ee Maraykanka, si ay muslimiintu ugu hoos noolaadaan Raayada Islaamka iyagoo sharfoon oo ay u bad qabto diintooda iyo sharafkooda, iskuna maamulaya kitaabka Allaah Cazza wajalla.

“ Walaalayaal, waxaa inbadan guulaha aad soo hooyneysaan ku shaafiseen quluubteena, oo aad ku booriseen dhalinyarada Umadda, illaa aad noqoteen Allaah fadligii kuwa tusaale loo soo qaato, warkiinana uu ku baahay dacallada, Alla maxaan carafsanay udgoonka guulihiina oo aan ka dhiganay sahay aan ku marno wadadan ay qodaxdu ka buuxaan, xilli weliba Maraykanka iyo Shayaadiinta ka dambeysa ay is moodeen iney hanten dhulka oo ay ciigada ku dhejiyeen Umadda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ku socda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Nusratul Islaam ayaa bayaankeeda ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqa waxay ku sheegeysaa in mar weliba oo ay culeesyo dareemaan, ay indhahooda kusoo aadiyaan Soomaaliya, halkaas oo wararka farxadda leh ee ka yimaada ay rajo gelineysa dhamaan saaxaadka Jihaadka sida Afqaanistaan, Shaam, Jaziiratul Carab iyo Maqribul Islaam, sida lagu sheegay bayaanka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga mahadceliyay bayaankii dhiiragelinta iyo bogaadinta ahaa ee uu dhawaan soo saaray maktabka Warfaafinta, kuna socday Jamaacada Nusratul Islaam, waxaana bayaanka Az-Zallaaqa lagu yiri :-

“ Walaalaheena dhalinyarada Jihaadka iyo Istish-haadka Alle ha idin ka abaalmariyo sunnada xiriirinta ee aad soo nooleyseen, Allaahna waxaan waydiisaneynaa in sunnadan uu ku nooleeyo Muslimiinta dhexdooda, si ay ugu dhabowdo fikradda ah in Umaddu ay tahay hal Jasad oo ku kala nool Jabahaad kala duwan, si aan markaas u nooleyno ruuxda iskaashiga iyo isgarab taaga ee dhexdeena ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mu’assasada Az-Zallaaqa ee ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin.

Bayaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u baahiyay war saxaafadeed lagu bogaadinayay Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka dagaallama saxaraha iyo saaxilka Africa.

“Anaguna hadii aan nahay walaalihiin ku sugan bariga Afrika, garab iyo gurmad ayaan idiin nahay, furimeheenna ayaan ka dagaalamaynaa, quluubteenuna adinka ayay idinla jirtaa, carabkeenuna wuu idiin soo duceynayaa.  Waxaa nahay walaalihiina Diinta, Caqiidada, Jihaadka, Ribaadka iyo u gargaaridda Islaamka aad ku walaaloowdeen. Waa ballan aan dadkii naga horreeyay ka dhaxalnay iyo ammaano aan masuuliyadeeda qaadnay” ayaa kamid ahaa War saxaafadeedka matkabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana ku socday Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular