HomeAll newsQarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa goordhow ka dhacay qarax culus, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadd Xoosh ee degmada Dharkenley ayaa waxaa lala helay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in ciidamadii saarnaa gaariga qaraxu haleelay ay noqdeen wax dhinta iyo wax dhaawcacma.

Ciidamo kale oo katirsan dowladda federaalka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamada dowladda.

Muqdisho waxaa joogta ka ah weerarada noocyada kala duwan leh ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsaneyso askarta, xubnaha dowladda iyo xitaa Shisheeyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular