Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo ahaa mid aad u culus, ayaa ciidamada Mujaahidiinta waxaa ugu suuragashey iney gebi ahaanba la wareegaan saldhiga, islamarkaana ciidamadii dowladda ka dhigaan wax la dilo iyo kuwa carara.
Saanado hub ah oo ay ku jiraan gaadiid dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Al-Shabaab gacanta ku dhigeen, islamarkaana xerada ay bilqanyihiin meydadka tiro askar ah oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.
Askarta lagu weeraray Xaaji Cali ayaa waday dhaq dhaqaaqyo ay doonayeen iney ku carqaladeeyaan deegaannada lagu maamulo shareecada Islaamka ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana hadda muuqaneysa in gebi ahaanba lasoo afjaray halistooda.
Diloolaaya gaal kaa xun way nooga daran yiine
Dabka saara rabibay dafiri amase diideene
Dastuur kii shareecada ayey dalaw katuu reene
Dibin daab yaduu waday kufrigu amase daan yeerku
Diinteena cadawgiisa iyo kuwa kan soo duulay
Dabadhilif yadaa nooga daran aan damiir layne
Shabaabow diloo laaya oo daqara gaar siiya