HomeAll newsHowlgal Qarax ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Howlgal Qarax ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, una kala qeybsan maamullada Galmudug iyo Puntaland ka dhacay howlgal qarax ah oo lagu beegsaday masuul sare oo katirsan ciidamada.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in qarax culus lala beegsaday taliyihii saadka ee ciidamada isku dhafka ah ee ka shaqeeya magaalada.

Taliyaha la beegsaday waxaa lagu magacaabaa Cabdi Casiis Istakiin, waxaana soo gaaray dhaawac, iyadoo la dhigay xarumaha Caafimaadka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda weerarka loo geystay sarkaalkan.

Gaalkacayo waxaa horey loogu dilay saraakiil katirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana masuuliyadooda sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular