HomeAll newsXog Rasmi ah: Kudhawaad 20 Askari Maraykan ah oo lagu dilay Weerarkii...

Xog Rasmi ah: Kudhawaad 20 Askari Maraykan ah oo lagu dilay Weerarkii Laamu.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa faafaahin rasmi ah ka bixisay khasaaraha ka dhashey weerarkii aroornimadii hore ee maanta dagaalyahanno Naftood huriyaal ah oo katirsan Mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhig milliteri oo ciidamada Maraykanka ku leeyihiin gobolka Laamu ee xeebaha Kenya.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 17 askari oo Maraykan ah iyo 9 askari oo Kenyaati ah.

Marka khasaaraha dhimasho laga tago, waxay Xarakada Al-Shabaab xaqiijisay in weerarkaas ay ku gubtay ugu yaraan 7 diyaaradood, iyo 5 gaari oo noocyada dagaalka ah, kuwaas oo ay leedahay dowladda Maraykanka.

Bayaan kasoo baxay Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in Mujaahidiinta ay ku guuleysteen iney beegsadaan goobaha ugu adag ee amaankooda aadka loo ilaaliyo, taas bedelkeedana Maraykanku uu ka dhamaan la’yahay beegshada caruurta iyo dumarka ee ku sugan guryahooda, goobaha waxbarashada iyo Suuqyada.

Xarakada Al-Shabaab waxay wacad ku martay iney sii wadi doonto beegsashada ciidamada Maraykanka ee duulaanka ka wada Soomaaliya, illaa inta laga saarayo wadamada Muslimiinta, kana joojinayaan taageerada indha la’aanta ah ee ay siinayaan Yahuudda.

Halkan ka akhriso Bayaanka oo ku qoran Luuqadda Carabiga.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular