HomeAll newsDagaallo iyo Qaraxyo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Dagaallo iyo Qaraxyo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Saldhiga Ciidamada dowladda ee Bariire oo xilli hore la weeraray.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro iyo qaraxyo la beegsadeen ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaas.

Dagaal xoogan ayaa deegaanka Balow oo u dhow Bariire wuxuu ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka.

Dagaalka oo socday saacad kaamil ah ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Dowladda federaalka usoo gurmaday diyaaradaha Maraykanka, kuwaas oo duqeymo fuliyay, balse kama dhalan wax khasaare ah.

Dhanka kale qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay gudaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay labadan qarax oo lala eegtay ciidanka, halka mid kalena lagu dhaawacay.

isku soo wada duuboo hawl galladan ayaa imanaya iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ay aad u badnaayeen weerarada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular