
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaan hoos yimaada magaalada Baydhabo.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Carra-guduud ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii ay ka eryeen ciidamada maamulka Koonfur galbeed.
Waxay dagaalka ciidamada Mujaahidiinta ku qabsadeen agab kala duwan oo ay goobta uga carareen ciidamada maamulka Koonfur galbeed.
Dhanka kale, qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxaa lagu dilay ciidamo isuga jira Itoobiyaan iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed.
Ugu yaraan askari Itoobiyaan ah iyo mid kale oo Soomaali ah ayaa dhintay, halka ay dhaawcmeen 5 kale oo katirsan Koonfur galbeed, kadib markii ay Mujaahidiintu la beegsadeen qarax xoogan.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay howlgal ballaaran ka fuliyeen deegaanka Goof-guduud Buurrey, halkaas oo ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed.