Shacab careysan ayaa xoog ku galay dhismaha Safaaradda Maraykanka ee magaalada Baqdaad, iyagoo halkaas ku gubay qaar kamid ah Dhismayaasha.
Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa ku waramaya in boqollaal ruux oo careysan ay xoog ku galeen dhismaha safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Baqdaad, halkaas oo ay ku suganyihiin shaqaale Maraykan iyo askar milliteri.
Dadka careysan ayaa lagu soo waramayaa iney u badanyihiin dad shiico ah oo ka carooday duqeymo dhawaan diyaaradaha Maraykanku gobolka Al-Anbaar ee galbeedka CIraaq ugu geysten dagaalyahanno malleeshiyaad shiico ah, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 30 malleeshiyo, sidoo kalena lagu dhaawacay inkabadan 50 askari.
Dadka careysan ee gudaha u galay safaaradda ayaa dab qabad siiyay qaar kamid ah albaabada safaaradda, waxayna sidoo kale gubeen calanka Maraykanka ee ka lulanayay afaafka hore ee dhismaha safaaradda.
Waxay sheegeen inaaney ka tagi doonin dhismaha safaaradda tan iyo inta gebi ahaabna ciidamada Maraykanka ay isaga baxayaan dalka Ciraaq oo ay duulaan ku joogaan tan iyo sanadkii 2003-da.
Shaqaalaha Maraykanka ee safaaradda ku sugan ayaa isku soo xiray qeybaha dambe ee dhismaha, waxaana dalka CIraaq horey uga baxay safiirka Maraykanka ee wadankaas, kaas oo ku maqan sida la sheegay fasaxa ciida Kirismiska.
Donald Trump ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday safaaradiisa dalka Ciraaq, waxaana saraakiil katirsan Maraykanka ay sheegeen in la qorsheynayo in ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Ciraaq, si ay u ilaaliyaan amaanka safaaradda.
Dalka Ciraaq waxaa isku heysta dowladaha Maraykanka iyo Iiraan, waxaana xurgufta siyaasadeed ee ka dhexeysa ay si adag u saameysay wadanka, oo hadda u muuqda mid lugaha lasii galayo dagaal ka duwan kii hore ee ka socday.