HomeAll newsMareykanka oo Duqeyn uu Ka Geystay Sh/Hoose Ku Dilay Ganacsade iyo 12...

Mareykanka oo Duqeyn uu Ka Geystay Sh/Hoose Ku Dilay Ganacsade iyo 12 Neef oo Geel Ah.

Waa duqeyn hore oo diyaaradaha Maraykanku ku dileen dad beeraley ah.

Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaysa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose shalay casaar liiqii iyo xalay fiidkii.

Duqeymahan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow iyo duleedkiisa ayaa waxay ku beegsadeen ganacsade caan ahaa oo la oran jiray Kuusow Xaaji Maxamad Yuusuf iyo gaarigiisa.

Qaar kamid ah ehelada ganacsadaha ayaa inoo xaqiijiyay geeridiisa, iyadoo sidoo kale Mareykanku uu burburiyay gaarigii ganacsadaha. Kuusow ayaa xarun ganacsi oo weyn ku lahaa Kuunyo Barrow.

Sidoo kale diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn u geystay xoolo badan oo daaqayay duleedka degaanka Kuunyo Barrow. Inta la xaqiijiyay waxay ku dileen 12 neef oo geel ah walow ay suura gal tahay in khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

Mareykanka ayaa sheegtay duqeyntan isagoo ku faanay inuu ku dilay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Waxaan aqristayaasheena usoo gudbin doonnaa sawirrada khasaaraha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular