HomeAll newsTirakoobka Haweenka Kenya lagu dilay sanadka 2019-ka.

Tirakoobka Haweenka Kenya lagu dilay sanadka 2019-ka.


Ugu yaraan 100 haween ah ayaa laga soo sheegay in lagu diley Kenya sanadka 2019. Taas macnaheedu waa in celcelis ahaan, 8 dumar ah ay naftooda waayaan bil kasta.

Haweenkan qaarkood ayaa waxaa dilay raggoodii, qaar kalana waxaa lagu soo dilay meelaha dalxiiska iyo tamashleynta.

Xogtan oo laga soo uruuriyay ilo kala duwan oo ay ka mid yihiin booliiska ayaa muujinaysa in bishii ugu darneyd ee dhimashada haweenka Kenya ay noqotoy Febraayo, goortaasoo la dilay 17 gabdhood oo Kiristan ah.

Mid ka mid ah meydadka haweenka waxaa laga helay Magaalada Mortuary 12-kii Febraayo waxaana ka muuqday dhibaatooyin badan.

Bishii labaad ee ugu halista badnayd Kenya sida warbixinta lagu sheegay waxay ahayd Abriil iyada oo la soo wariyey 12 dil.

Janaayo iyo Maarso ayaa iyagana waxaa la diiwaan galiyay dilka 9 haween ah.

Bilihii May, Sebtember iyo Nofembar oo ku jira kaalinta afaraad ayaa waxaa la diiwaan galiyay siddeed dil oo dumar ah.

June waxaa la khaarajiyay 7 haween ah, Oktoobar 5, halka Agoosto-na la diiwaan galiyay 3 dil, waxaa kale oo jira haween iyaguna dhaawacyo u geeriyooday, iyadoo tirada guud ee dhimashada sannadkanna laga dhigay ugu yaraan 100.

Kooxaha sameeyay tirakoobkan ayaa sheegay in haweenka la dilay %100 la kufsaday.
Diiwaannada la uruuriyay 12-kii bilood ee la soo dhaafay, Nairobi waa meesha ugu halista badan dumarka. Saddex iyo toban ka mid ah 94 dilalka ayaa waxay ka dhaceen magaalada caasimada ah ee Kenya. Mid ka mid ah falalkii ugu dambeeyay ee rabshadaha ayaa ka dhacay aagga Kasarani ee Nairobi markii gabar 24 jir ah oo dhigta Jaamacadda Kisii lagu kufsaday oo lagu dilay gurigeeda.

Nakuru waa gobolka labaad ee ugu khatarta badan oo laga soo diiwaan galiyay 11 dil. Mid ka mid ah kiisaska ayaa ahaa dilka uu wiil dhallinyaro ah u geystay gabar 16 sano jir ah oo ay daris ahaayeen.

Warbixintu waxay soo gudbisay in 47 kamid ah 100-ka dumar ee la dilay ay sababsadeen dad ay garanayeen kuwaas oo ay ku jiraan qaraabada, asxaabta iyo seyga.

Kenya ayaa waxaa aad ugu badan dhaqan xumada iyo amni darrada taasoo keeneysa iney si joogto ah u dhacaan weeraradan oo kale, iyadoo ay intaa dheer tahay in dadka intooda badani yihiin kuwa cawaan ah oo aanan wax diin ah heysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular