HomeAll newsQarax ka dhacay NFD oo lagu dilay Saraakiil Kenyaati ah.

Qarax ka dhacay NFD oo lagu dilay Saraakiil Kenyaati ah.

Ciidamada KDF ee Kenya.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar qarax ah oo  ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen askar Kenyaati.

Qaraxa waxa uu haleeley gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen saraakiil Kenyaati ah oo katirsan Police-ka, waxaana ay ka yimaadeen deegaanka Qorof Harar, iyagoo kusii jeeday Katuula oo katirsan gobolka Wajeer.

Ugu yaraan 2 sarkaal oo Kenyaati ah ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo katirsan ciidamada Booliiska Kenya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan dhaliyay khasaaraha ee lala eegtay ciidamada Police-ka Kenya.

NFD waa dhul Soomaaliyeed oo ay xoog ku heysato dowladda Kenya, waxaana hadda ka howlgala ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo ku jira dagaal lagu doonayo in lagu xureeyo dhulkaas.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular