
Aroornimadii hore ee saaka, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ballaaran ku qaaday deegaanka Goof guduud buurrey oo hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa Mujaahidiinta ugu suuragashey iney la wareegaan saldhigyada ciidamada Koonfur galbeed ee deegaanka Goof Gaduud Buurrey.
Goobjoogayaal ayaa waxay soo sheegayaan in ciidamada Mujaahidiinta ay gudaha u galeen saldhiga deegaanka, halkaasna ay ka qaateen wixii nafci lahaa ee yaalay, iyagoo sidoo kale gubay teendhooyinkii ay degnaayeen ciidamada.
Faafaahinno horudhac ah oo laga helayo khasaaraha weerarka waxay sheegayaan dhimashada 8 askari oo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed, waxaana suuragal ah in dhimashada ay sii kororto maadaama ay jireen ciidamo iyagoo dhaawacyo ah ka cararay saldhiga.
Dhowrjeer oo hore ayuu soo noq noqday weerarada ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadayaan deegaanka Goof Gaduud buurrey oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed oo difaac u ah magaalada Baydhabo.