Wararka ka imaanaya magaala madaxda gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa ku waramaya in magaaladaas uu caawa ka dhacay qarax xoogan oo geystay waxyeello kala duwan.
Ilo wareedyo ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in qarax xoogan lala eegtay saraakiil katirsan dowladda federaalka gaar ahaan maamulka Galmudug, kuwaas oo ku sugnaa magaalada.
Qaraxa waxaa ku dhaawacmey labo sarkaal oo muhiim u ah Dowladda, waxaana ku jira taliye ku xigeenka ammaanka madaxtooyada maamulka Galmudug ninka lagu magacaabo Mahad Bidaar.
Lama oga halka uu gaarsiisanyahay dhaawacyda gaaray saraakiishan, waxaana weerarka masuuliyadiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhuusamareeb waxaa ku sugan boqollaal askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo magaalada xooga ka saaray askartii maamulka Suufida ee sanado badan maamulayay magaaladaas.