
Mar weliba waxay reer galbeedku gaarayaan xaqiiqooyin caafimaad oo ay horey uga hadashey diinta Islaamka, waxaana warbixin cusub oo soo baxday ay sheegeysaa in reer galbeedku ay markan fahmeen halista caafimaad ee ay leeyihiin Eeyaha.
Wareegto kasoo baxday saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee Maraykanka ayaa waxaa lagu amray muwaadiniinta Ameerikaanka ah iney ka taxadaraan taabashada Eeyaha oo laga qaadi karo xanuuno halis ah oo qofka dhaafin kara Nolosha.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ugu yaraan 30 ruux uu soo ritay xanuun, kuwaas oo 4 kamid ah la dhigay isbitaallada caafimaadka, waxaana markii baaritaan lagu sameeyey la ogaaday iney xanuunka ka qaadeen Eeyaha ay guryaha ku heystaan.
Waxay intaa ku dartay wasaaradda caafimaadka ee Maraykanka in sanadkii 2016-da xarun ganacsi oo ku taalla Maraykanka ay iibisay Eeyo yar yar, kuwaas oo ay dadkii iibsaday ka qaadeen xanuuno adag, waxaana dadka xanuunkaas uu soo ritay ay gaareen 113 ruux, iyadoona inkabadan 20 ruux la dhigay isbitaallada Caafimaadka.
Dhakhaatirta caafimaadka ee wasaaradda ayaa kula taliyay guud ahana shacabka Maraykanka iney mar weliba oo ay taabtaan Eeyaha ay iska dhaqaan gacmaha, si ay uga badbaadaan xanuunada laga qaadi karo Eeyga.
“Eeygu yuu kaa leefin wejiga, iyo meelaha u dhow Afka” ayaa lagu yiri taladan caafimaad ee ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Maraykanka.
Diinta Islaamka ayaa horey uga hadashey arimahan, waxaana Xadiith Saxiix ah oo uu soo saaray Imaamu Muslim, islamarkaana warinayo saxaabiga Abuu Hureyra uu Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ku yiri ” Midkiina haddii uu weelkiisa afka geliyo Eey, wuxuu ku dahirsamayaa inuu dhaqo todobo jeer oo midood ah Caro”.