HomeAll newsDonald Trump oo qarka u saaran in laga xayuubiyo xilka Madaxtnimada.

Donald Trump oo qarka u saaran in laga xayuubiyo xilka Madaxtnimada.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qarka u saaran inuu waayo xilka madaxtnimada ee uu hadda hayo, kadib markii ay soo wajaheen culeesyo kaga imaanaya aqalka Congreska Maraykanka.

Fadhi ay maalintii Arbacada ee lasoo dhaafay yeesheen aqalka hoose ee Congreska ayaa loogu codeeyey in Trump la maxkamadeeyo, si looga qaado xilka madaxtnimada ee uu hadda hayo.

230 Xillibaan ayaa u codeeyey in Trump la maxkamadeeyo, xilkana laga qaado, halka ay ka hor yimaadeen 197 xillibaan, mid kalena wuu ku aamusay, waxaana sidaas ku meel maray xeerkan, iyadoona Trump uu noqonayo madaxweynihii 3-aad ee Maraykan ah oo wajaha eedeymo xoogan xilli uu talada hayo.

Waxaa lagu eedaynayaa Trump in xilka madaxtnimada uu u adeegsaday dano gaar ah, islamarkaana uu is hortaagay howlaha Congreska, waana tuhmooyin adag marka loo eego dastuurka wadanka Maraykanka.

Kiiskan ayaa hadda u gudbaya aqalka sare ee Congreska, waxaana lagu wadaa in si toos ah loo maxkamdeeyo Trump oo uu xilkiisa waayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular