Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay howlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lala beegsaday Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadanka iyo ciidamada Soomaalida.
Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ka dhacay qaraxyo xoogan oo lala eegtay kolonyo ciidamo Shisheeye ah oo marayay xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Qaraxyada waxay ahaayeen kuwa xoogan oo jugtooda laga maqley meelo fog fog, waxaana markii ay dheceen hakad ku yimid socdaalkii ciidamada Shisheeyaha.
Ilo lagu kalsoonaan karo waxay Al-Furqaan u xaqiijiyeen inuu jiro waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaartay askarta Shisheeyaha.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar xoogan ku qaadeen ciidamada maamulka Jubbaland ee difaacyada ku leh deegaanka Baar sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray bar kontorool oo ay joogeen askarta, waxaana mar qur ah laga war heley rasaas xoogan oo dheceysa.
Askarta maamulka Jubbaland ayaa ka firxaday goobta, iyagoona ka baqdin qabay weerar cag marin ah, sidaba marar badan qabsatay.