
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gobolka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ka fuliyay howlgal gaar ah oo lagu soo qabtay shaqaale katirsan dowladda Kenya oo ka shaqeeya arimaha wadooyinka.
Shaqaalaha la weeraray, noloshana lagu soo qabtay ayaa ka shaqeynayay deegaan lagu magacaabo Riba, waxaana ilaalinayay ciidamo katirsan Booliiska Kenya, kuwaas oo goobta ka cararay markii ay arkeen ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Lama oga tirada rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda Kenya ee gacanta u galay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab,waxaana ciidamada Mujaahidiint ay sidoo kale weerarkan ku qaateen gaari noooca Cagaf cagafta ah iyo mid kaloo loo yaqaano Qooqan.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan shaqaalaheeda gacanta ay ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa ah kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca dhulka NFD, waxaana ka horeeyay weerar ka dhacay Gaarisa oo lagu dilay 9 ruux oo Kenyaati kirishtan ah, una shaqeynayay dowladda Kenya.