Maxkmad ku taalla wadanka Pakitaan ayaa dil toogasho ah ku xukuntey madaxweynihii hore ee dalka Pakistaan, qaab milliterynimana ku maamulayay wadanka ee Pervez Musharaf, kaas oo hadda dibad joog ah.
Afhayeen u hadlay maxkamadda wadanka Pakistaan ayaa sheegay in Perves Musharraf lagu helay eedeymaha loo soo jeediyay ee ay kamid tahay ku xadgudubka dastuurka xukuumadda Pakistaan.
“Perves Musharraf, wuxuu ku xadgudbey qodobka lixaad ee dastuurka, isagoona sidaas ku laalay guud ahaan dastuurka” ayuu yiri garsoore Salmaan Nadiim oo la hadlay wakaaladaha caalamka.
Waxyaabaha ugu badan ee lagu eedeynayo madaxweynihii hore ee Paksitaan oo hadda ku sugan wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa kamid ah xaalad deg deg ah oo uu kusoo rogay wadanka, xilligii uu talada hayay, isagoona markaas ku kacay xadgudubyo ka dhan ah dadka.
Wuxuu horey Perves Musharraf isaga diiday eedeymaha loo heysto oo uu ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona lahayn.