HomeAll newsAl-Shabaab oo weeraray Saldhigyada Shisheeyaha ee Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab oo weeraray Saldhigyada Shisheeyaha ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro silsilado ah ku qaaday difaacyada qaar ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Meelaha Shisheeyaha lagu weeraray waxaa kamid ah deegaanka Arbacow oo ay ku leeyihiin saldhig weyn, waxaana goobta ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Takbiirta ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa aad loo maqlayay, waxaana Shisheeyaha kedis ku ahaa rasaasta kasoo dheceysa dhanka ciidamada Mujaahidiinta.

Weerarka kadib, ciidamada Shisheeyaha ayaa madaafiic ku garaacay deegaannada howdka ah, taas oo ka marqaati kaceysa iney gaartey jug culus.

Dhanka kale, waxaa ciidamada Shisheeyaha lagu weeraray deegaanka N-60, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Lama helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weeraradan ay Mujaahidiintu ku qaadeen qaa kamid ah difaacyada ciidamad Shisheeyaha ee Shabeellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular