
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada Mujaahidiinta cagta ku mariyeen saldhiga Hiil-Weyne oo dhaca meel u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Faafaahin laga helayo weerarka ayaa sheegeysa dhimashada 4 askari oo katirsan ciidamadii dowladda federaalka ee joogay saldhiga Hiil-weyne.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerarkan kusoo furtay saanado milliteri oo hub ah.
Majiro dhanka dowladda federaalka wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan weerarkii ka dhacay saldhiga Hiil-weyne.