Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay in muxaadaradii lagu waday inuu qabto Sheekh Umal ay uga gol lahaayeen in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Farmaajo oo khadka teleefanka kula hadlayay koox katirsan Suufida ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadafka dowladda uu ahaa iney ka faa’ideystaan Sheekh Umal, una adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Cod laga duubay Farmaajo intii uu la hadlayay kooxda Suufida ayuu si aan ka leex leexad lahayn ugu sheegay in Sheekh Umal ay dooonayeen iney ka faa’ideystaan, balse bananabaxyadii ay sameeyeen kooxaha Suufida ay hor istaagtay in Muxaadarada la qabto.
Dhawaan ayaa Wasiirka Awqaafta dowladda federaalka oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay in muxaadarada la hakiyay bedelkeeda uu Sheekh Umal kalimaad iyo barnaamijaad ka jeedin doono warbaahinta dowladda federaalka.