HomeAll newsMadixii Sirdoonka Puntland ee Mudug Oo Gaalkacyo Lagu dilay.

Madixii Sirdoonka Puntland ee Mudug Oo Gaalkacyo Lagu dilay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday madixii Sirdoonka maamulka Puntlanad ugu magacaabanaa gobolka Mudug.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhanka wuqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland ku beegsaday Xaashi Aadan Cilmi Geelle oo ahaa taliyihii Nabadsugida ee gobolka Mudug.

Dilka kadib, raggii howlgalka fuliyay ayaa goobta isaga tagay, waxaana goordmabe soo gaaray halkaas ciidamo katirsan maamulka Puntland oo qaaday meydka sarkaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda dilka taliyihii ciidamada Nabadsugida ee gobolka Mudug u qaabilsanaa maamulka Puntland.

Waxaa isdaba joog ah howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulinayaan gobollada uu ka arrimiyo maamulka Puntland oo kamid ah maamullda gacan saarka dhow la leh dowladda xabashida Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular