HomeAll newsDuqeyma ka socda Qazza iyo Muqaawamada Oo duqeysay Deegaannada Yahuudda.

Duqeyma ka socda Qazza iyo Muqaawamada Oo duqeysay Deegaannada Yahuudda.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Jiida Qazza, kadib markii diyaaradaha maamulka Yahuudda ay fuliyeen duqeymo dhowr ah oo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo hogaamiyaal katirsan Muqaawamada.

Duqeymahan ayaa soo billowday maalintii shalay, waxaana diyaarad Yahuudu leeyihiin ay dhowr gantaal ku riday guri uu degnaa hogaamiye katirsan Xarakada Al-Jihaad Al-Islaami oo kamid ah Muqaawamada ka dagaallanta Filastiin.

Ninka la duqeeyey oo lagu magacaabo Bahaa’udiin Abuu Cadhaa ayaa waxaa la geeriyooday xaaskiisa, waxaana markii ay dhacday duqeynta kadib ay Muqaawamadu gantaallo ku garaaceen dhulka uu xooga ku heysto maamulka Yahuudda.

Inkastoo aan lasoo sheegin waxyeello dhimasho ah oo ka dhalatay gantaallada ay rideen Muqaawamada, hadana waxaa gebi ahaanba cakirmey noloshii caadiga ahaa ee ka jirtay deegaannada soo xiga Jiida Qazza ee ay xooga ku heystaan Yahuudda.

Magaallada Talla’biib ee caasimadda maamulka Yahuudda ayaa waxaa gebi ahaanba la fasaxay ardeyda, cabsi laga qabo iney gantaallo kusoo dhacaan magaalada.

Diyaaradaha Yahuudda waxay dhankooda weli wadaan duqeymaha ay ka fulinayaan Jiida Qazza, tan iyo shalayna waxaa geeriyooday ugu yaraan 8 ruux oo shacab ah.

Muqaamawada Filastiiniyiinta ayaa ku hanjabeysa iney sii wadi doonaan beegsiga maamulka Yahuudda iyo dhulka uu xooga ku heysto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular